Wariye ka tirsan Somalichannel oo Muqdisho lagu dhaawacay

Image

October 12, 2014 (GO)- Koox hubaysan ayaa maanta dhaawac culus gaarsiiyay Wariye Cabdirsaaq Jaamac Cilmi oo ka howlgali jiray xafiiska Telefeshinka Somalichennel ee magalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Black ayaa la sheegay inuu ka bad baaday isku day dil isagoo hortaagan hoyga uu ka degan yahay magalada waxaana dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka Madiine.

Dad ku dhow wariyaha la dhaawacay ayaa sheegaya maalmihii lasoo dhaafay loosoo diray fariimo hanjabaad ah oo xitaa ay dil ku jirto.

Lama garan karo cida falkan ka danbaysay hase yeeshee ururka suxufiyiinta Somalia (NUSOJ) ayaa cambaareyay kuna tilmaamay inay qayb ka tahay hagar daamooyinka wariyayaasha lagu hayo.

Labo wariye ayaa sanadkan lagu dilay gudaha Somalia, inkastoo uu hoos u dhacay dilalka suxufiyiinta ayaa haddana waxaa muuqda inuu jiro cabsi xoogan oo ay saxafadu qabto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM

Beesha Caalamka oo yaraysay taageeradii dhaqaale ee dowladda Soomaaliya

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay sidoo kale horumar weyn ka samaysay dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 07:10AM