Wasiir Cali Xoosh oo Amar dul-dhigay Maamulka Looga dhawaaqay Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa digniin culus u diray maamulka cusub ee laga dhisay magaalada Laascaanood, isagoo uga digay inay taageero siiyaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda dhexe.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in shirkii lagu dhisay maamulkaasi uu si rasmi ah u soo dhammaaday, balse waxa uu ka digay in maamulkaasi uu albaabada u furo cid kasta oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka.

Waxa uu xusay in mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho looga gacan haatinayo Puntland.

“Xamar mucaarad baa ka socota, agtiina bay imaan doonaan, deegaanadii aad ehelka ahaydeen[Puntland] ayaa looga durbaan tumayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh. “Laascaanood waxaa imaan doona dadka taageersan dowladda Federaalka, agagaarkiina mucaaradka imaan doona waa inaad ka jawaabtaan.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay maamulka cusub ee Laascaanood in ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan mowqifka dowladda, kana fogaadaan wax kasta oo khatar gelin kara xiriirka kala dhexeeya Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM