Wasiir hore oo ka hadlay Muranka Roobow iyo DF ee doorashada KG

Image

BAYDHABO - Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan kahor timid in Mukhtaar Roobow uu u tartamo xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, oo doorashadiisu dhacayso 17-ka bisha dambe ee November.

Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, oo wareysi siiyay VOA-da, ayaa xusay in talaabada dowladdu qaadey ay tahay mid ay ku car-qaladeyneyso olalaha doorasho ee Roobow, ayna ka eedahay dano gaar ah.

Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in horey ay dowladda iyo Roobow isla meel-dhigeen heshiisyo ku qotomo arrintaan, xili uu isaga ahaa midkii udhaxeeyay labadda dhinac, isagoo ku eedeeyay inay gabi ahaanba uga baxday balamihii ay wada galeen.

Qodobadda ay isku afgarteen Roobow iyo Dowladda ayuu Wasiirka xusay inay qayb ka ahayd in si wadajir ah loogula dagaalamo kooxda Al-Shabaab, waxaana uu tibaaxay in xukuumadda arrintaasi dhinac isaga dhigtay, ayna ku mashquushay arrimo kale.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dowladdu haatan u jeesatay u diyaar-garowga doorashooyinka la rajaynayo inay noqoto qof iyo cod ee 2020-ka, la dagaalanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo arrimo kale.

"Dowladda iyo Roobow waxay isla meel-dhigeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha muhiimka ah, laakiin waxaa ayaan darro in dhanka dowladda aan waxba kasoo bixin," ayuu yiri Wasiirkii hore ee Difaaca.

Roobow oo dhinaca dowladda usoo wareegtay sanadkii hore ee 2017 ayaa shir jaraa'id ee uu ku qabtay Muqdisho wuxuu ka sheegay inuu ka baxay Al-Shabaab, kadibna ay hogaankeeda isku qabteen arrimo dhowr ah.

"Arrimahaasi waa marin habaabin. Roobow wuu cadeeyay inuu ka baxay Al Shabaab lix sano kahor, ayna ka go'an tahay inuu la dagaalamo cadowga Umadda Soomaaliyeed [Al-Shabaab]," ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirkii hore ee difaaca.

Wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya ayaa cadeeyay in Roobow ay ka go'an tahay inuu u tartamo doorashadda Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, isaga oo ku nuux-nuux saday inay tahay waqtigii munaasabka ku ahayd.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan soo jawaabin eedaha uu usoo jeediyay Wasiirkii hore ee difaaca, inkasta oo xiriiro uu warsidaha Garowe Online la sameeyay xafiisyadda ugu wayn ee dowladda aysan ka jawaabin isku dayadeena.

Roobow oo haatan ku sugan Baydhabo ayaa la sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan Villa Soomaaliya ku taageerayeen doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, taasi oo ay isku soo taageen musharaxiin uu kamid ah Madaxweyne Shariif Xasan.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xilli habeen ah Villa Somalia kula kulmay Mukhtaar Roobow, maalin kahor inta uusan ku dhawaaqin musharaxnimadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM