Wasiir ka degay Dhuusamareeb xili xiriirka Xaaf iyo DF uu sii xumaanayo

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iyadda oo cilaaqaadka Xaaf iyo Villa Soomaaliya uu meeshii ugu adkaa marayo ayaa Jimcadda maanta ah waxaa Dhuusamareeb ka degay wasiirka arrimaha gudaha federaalka.

Kahor inta uusan wafdiga Cabdi Maxamed Sabriye cago dhigan garoonka, bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa shirkadaha diyaaradaha lagu faray in aysan soo qaadi karin mas'uuliyiinta dowladda.

Balse amarkaasi madaxweyne ayaa u muuqda mid dhaqan-geli waayey.

Intaasi waxaa wehlisa in kahor inta aysan wafuuda gaarin gegida diyaaradaha, waxaa garoonka la wareegay ciidamo ka amar-qaata Xaaf kuwaasi oo kolkii dambe dib ugu laabtay halkii ay marka hore kasoo baxeen.

Xili xaaladda Dhuusamareeb ay tahay mid guux badan laga dareemayo, ayaa wasiir Sabriye oo tirro dhowr jeer ah ku noq-noqdey halkaasi, la filayaa in uu saacadaha soo aadan la kulmo hogaanka Galmudug.

Inkasta oo wada hadaladii hore ay fashilmeen, hadana qodobada miiska saaran waxaa kamida doorashada Julaayo iyo xil-heynta madaxweyne Xaaf kaasi oo doonaya in uu baaqi kusii ahaado xafiiska afarta sano ee soo aadan.

Xukuumada Farmaajo oo muddo xileedkeeda uga harsan yahay sanad iyo bilooyin ayaa la rumeysan yahay in ay xusul-duub ugu jirto sidii ay Xaaf ugu bedeli lahayd siyaasad daacad u ah Madaxtooyada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka oo dhowaan war-saxaafadeed soo saartay ayaa dalbatay in doorashada Galmudug la qabto xiligeeda ayna "shir dib-u-heshiisiin isugu yimaada daneeyeyaasha siyaasada maamulkan".

Madaxweyne Xaaf oo xad-gudub ku tilmaamay bayaankaasi ayaa ku tartarsiiyey madaxda dowlada federaalka in ay ilaaliyaan shuruucda dalka u degan oo uu kamid yahay dastuurka "oo ay si cad ugu tumanayaan".

Iyadda oo uu Xaaf ganafka ku dhuftay baaqaasi, waxaa dhanka kale soo dhaweeyay ku xigeenkiisa, Carabey iyo afhayeenka baarlamaanka, Cali Gacal Casar, oo la safan xukuumadda.

Kala qeyb-sanaantan oo ay Madaxtooyaddu "abuurtay" ayaa la sheegayaa in ay mar kasta ka dhigeyso Xaaf mid nugul, inkasta oo uu ku dhaartay in uu daafacan doono jagadiisa.

Xaaladaha Jubbaland iyo Galmudug oo ay xukuumada ku eedeysan tahay in ay farogelin ku hayso ayaa la aaminsan yahay in ay go’aamin doonan masiirka madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre ee doorashada 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM