Wasiirada Amniga maamulada oo ku shiraya Kismaayo [Ujeedka]

Image

GAROOWE, Puntland - Shir ay kasoo qaybgalayaan wasiiradda amniga ee dowlad goboleedyadda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo bilooyinka soo socda magaalada Kismaayo.

Madaxwaynaha Jubbaland oo uu maamulkiisu marti-gelinayo shirkaan ayaa fahfaahin wuxuu ka bixiyey qodobada diiradda lagu saarayo, oo ay ugu horeyso ciidamo isku dhaf ah oo ay sameynayaan afarta maamul.

Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] hogaamiyaha waqtigu ka dhamaaday oo ku laabtay xarun goboleedka Jubada Hoose ayaa sheegay in shirkaan sidoo kale lagu eegayo Istaraatiijiyada ciidamada.

Madaxwaynaha ayaa difaacay go'aanka ay ku sameysteen ciidamada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay buuxin doonan booskiisa milatariga dalka, oo uusna kala caddeyn hadii ay si wadajir ah uhowl geli doonin.

Axmed Madoobe ayaa tusaale ahaan usoo qaatay ciidamada isku dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo sugaya amaanka Galkacayo, si uu umuujiyo kalsoonida ay ku qabaan qorshahooda.

"Markii horeyba culeyska inaga ayuu nagu dhacayey, sidaas darteeda, waxaan ku rajo waynahay in ciidamada ay noqdaan kuwa shaqeeya," ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwayne Axmed Madoobe.

Degaanada maamul goboleedyadda ayuu shaaca ka qaaday in ciidamada isku dhafka ah looga sameynayo Saldhigyo, kuwaasi oo ay ka qaadaan duulanada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

"Dhamaan arrimahani waxaan lagu eegi doonaa shirka ay wasiiradda amniga ku yeelan doono Kismaayo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ay Madaxda dowlad goboleedyadda kusoo gabagabeeyeen Garowe, xarunta Puntland ayaa qodoba ku jira waxaa kamid ahaa inay sameystaan maamualda ciidamo isku dhaf ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 11:05AM

Beledweyne: Qarax xooggan oo ka dhacay maqaaxi, iyadoo ay ku dhinteen saddex qof

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Beledweyne ama hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 07:38AM