Wasiirka difaaca oo ka hadlay sida loo soo celin karo amniga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Wasaaradda difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shaqooyinka culus ee horyaalla iyo qaabka uu u wajihi doono.

Mursal oo xilkan shalay loo magacaabay ayaa sheegay in culeyska uu saari doono dib u dhiska ciidamada xoogga dalka oo dhinac walba ah, si ay usoo celiyaan sharciga iyo kala dambeynta, sidoo kalena ugula wareegaan AMISOM mas'uuliyadda amniga dalka.

"Dhulka annagaa iska leh, difaaciisana annagaa nalaga rabaa, marka waa inaan isku diyaarinaa, oo buuxinaa goobaha AMISOM ay ka baxayaan," ayuu yiri Wasiirka difaaca Maxamed Mursal.

Wasiirka waxa uu xusay in Ciidamada qaranka ay u baahan yihiin in la dhex-istaago, lana siiyo xuquuqahooda kala duwan, sida mushaaraadkooda iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin, si ay u gutaan mas'uliyadda saaran ee difaaca dalkooda.

Mursal waxa uu dhanka kale ka hadlay khibradiisa military, isagoo sheegay in uu leeyahay taariikh dhanka ciidanka ah, islamarkaana uu soo qabtay howlo kala duwan oo la xiriira militariga, taasina ay ka caawin doonto inuu guto shaqada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka oo ah mudane katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka JFS, lagana soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 2011 illaa 2015, isagoo Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid kasoo noqday Wasiirka Biyaha iyo Tamarta.

Magabaacista Wasiirka difaaca ayaa timid kadib safarkii uu Ra'iisul Wasaare Khayre u tagey todobaadkii tagey magaalada Baydhabo, kaasi oo salka ku hayay arrimo xasaasi ah oo shacabka lala wadaagin. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM