Wasiirka Kaluumeysiga DF Soomaaliya oo booqasho ku tagey dalka Turkiga [ Sabab]

Image

MUQDISSHO (GO)- Wasiirka Kaluumeysiga dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhowaan xilkaan loo magacaabey ayaa booqasho aan la shaacin ku tagey dalka Turkiga isagoo halkaas kulamo kula qaatey shirkado Kaluumeysi ee dalkaas laga leeyahay.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey Cabdulahi Bidhaan Warsame ayaa waxaa booqashadaan u diyaariyey safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Jaamac Caydiid oo saxiib gaar ah yihiin. Jaamac Caydiid ayaa waxaa inta uu xilkaan qaban ganacsi ku lahaa magalada Boosaaso isagoo kamid ah dadkii Madaxweyne Farmaajo taageerey xiligii uu raadinayey xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wadanka Turkiga oo is-gaashaanbuuri siyasaadeed ka dhexeeyo Qadar islamrkaana magaalada Muqdisho dib u habeyn ku sameystey dhismayaashii buburka ku dhacey dagaalkii sokeeye ayaa aad u daneynaya Kaluunka Soomaaliya in loo soo siiyo fasax balse heshiiskaas ayaa waxaa ku yimid dib u dhac hirgalintiisa in la saxiixo kadib markii Wasiirkii hore ee Kaluunka ee xilka laga qaadey su'aalo ka keeney sharciyadiisa. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh oo hadda dagan dalka Turkiga ayaa hordhaca ahaan heshiiskaan u ogolaade balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii la galey ololaha doorashada sanadkii 2016.

Bidhaan oo ka tirsan aqalka hoose Barlamanka Soomaaliya islamrkaana kamid ah xildhibaanada ka difaaca xukuumada Wasiirka Kowaad aqalka Wakiilada ayaa xilkaan loo magacaabey maalin kadib markii Ra'isal wasaare Khayre dib uga noqdey booqashadii uu ku tagey maamulka Puntland.

Wararka ku wareegsan xil u magacaabista deg deg ah ee Wasaiir Bidhaan ayaa waxaa kamid ah; In markii khilaaf soo kala dhexgaley Madaxweyne Gaas iyo Khayre intii uu ku guda jirey booqashadii Puntland kadib markii uu ka baaqsadey dhagax dhigii Garacad uu fuliyey balan codsi heyd ee Gaas horey ugu gudbiyey Wasiirka kowaad taasoo ahayd Bidhaan loogu badalo Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga Federaalka madaama uu fasaxyadiii kaluumeysiga kala noqdey Maraakiib laga lahaa dalka Thailand kuwasoo sharci daro Kaluun uga guranayey xeebaha Puntland; iyo iaydoo dhinaca kale magacaabistiisa la xiriirtay abaal-marin Ra'isal wasaare khayre u sameynayey xubno si adag ula shaqeeyey intii uu booqanayey Puntland kuwasoo Bidhaan kamid ahaa.

"Wasiirka Kaluumeysiga dowlada Federaalka Soomaaliya mudadii koobneyd ee uu hayey xilkaan waxaa uu xiriiro la sameeyey shirkado badan ee Kaluumeysi, waxayna u muuqataa inuu raadinayo heshiisyo badaha Soomaaliya uu ku soo galiyo Maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye." sidaas waxaa GO u sheegey qof xogogaal u ah shaqada Wasaarada Kaluumeysiga Soomaaliya.

Cabdulahi Bidhaan ayaa sidoo kale booqasho aan weli la shaacin oo maalin ah ku soo marey dalka Imaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai.

Xukuumada Ra'isal wasaare Khayre oo maalmahaan ku howla-neyd howlo lagu sheegey in musuqaasuqa la dirirayo ayaa xilka ka qaadey Wasiir ku xigeenka arimaha Wasaarada arimaha dibada kadib markii lagu eedeyey falal is-daba marin ah halka dhinaca kale xarig ku sameysay saraakiil hoose kuwasoo ka shaqeynayey ilaha dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho kuwasoo aad ugu tiirsan tahay Villa Somalia.

Dalka Soomaaliya oo iska leh xeeb ugu dheer Afrka dhererkeeduna yahay 3900 KM, iyadoo lagu qiyaaso in qiyaas ahaan baaxada badeedu iyo wax-soo-saarkuba u dhiganto dakhaliga kasoo baxa bobolada Galbeedka xeebta ah ee dalka Mareykanka ku yaal 'US West Coast" ayaa sanad walba waxaa laga xadaa Kaluunka ku jira xeebaheeda aduun lagu qiyaasey 300,000 MT iyadoo iiaalinteedu noqotey mid gabi ahaanba ay ku guuldareyteen maamulada Soomaaliya iyo dowladihii Federaalka ee dalka ka jirey tan iyo intii burburku dhacey.

Halkaan ka akhri Wasaiirka cusub ee Kaluumeysiga Soomaaliya oo kulan la qaatey Wasaaradaha Kalumeysiga maamul goboleedyada maalmo kaidb markii la magacaabey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM