Weerarka huteelka Kismaayo oo "lasoo afjarey" lana toogtey dableyda

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Mas'uuliyiinta ayaa shaaca ka qaadey in ay lasoo afjarey weerarka gabal-dhicii Jimcaha lagu ekeeyay huteelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo, kadib muddo saacado ah.

Iyadda oo aanan weli si rasmi ah loo tira koobin waxyeeladda guud, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in dadka ku dhintay weerarka huteelka Kismaayo uu ku jiro qof ajnabi ah.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Jubbaland ayaa xaqiijiyey in shaqsigaasi ajnabiga ah uu u dhashay wadanka Shiinaha isla markaana dhimashada guud ay ka badan tahay 11 ruux.

Caamir Aadan Gaduudow, oo u waramay VOA-da, ayaa waxa uusan soo bandhigin magaca iyo shaqadda uu halkaasi ka hayey ninkaasi kasoo jeeda dalweynaha China.

Mr Gaduudow ayaa nan soo hadal-qaadin hadii ay jiraan dad kale oo shisheeye, kuwaasi oo wax ku noqdey dhacdadan maadaama huteelka ay tagaan dalxiiseyaal Soomaaliya iyo ajaaniib ah.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda duulaankaasi oo ku bilowday qarax gaari ayna xigeen dabley gashay huteelka Cas-casey.

Saraakiisha ammaanka ayaa tibaaxay in kooxaha hubeysan ee huteelka ku daatey ay gaarayeen afar oo midkood uu is-qarxiyey kuwa kelana ku hubeysnaa AK 47 iyo bambaanooyin. "Ciidamada ammaanka ayaa toogtey".

Warar ayaa sheegaya in la qabtey mid kamid ah ragga duulaanka soo qaadey.

"Dabaqa sarre ayey fuuleen, isla markiiba, iyaga oo dhameystiray dadka dhaawaca ah. Balse weli waxaa nan la ogayn khasaaraha guud," ayuu yiri Caamir, oo sharaxa sida ay wax ku bilowdeen gabal-dhicii Jimcaha.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kale oo Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay is-miidaamintaasi.

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, oo kormeeray bukaanada oo la dhigay Isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

Shaqsiyaadka caanka ah ee ku baxay mashaqadan waxaa kamid ah wariyeyaal ay kamid tahay Hodan Naleeye oo ah saxfiyad arrimaha bulshada diirada saareysay iyo seygeeda oo dhowaan kasoo laabtey Canada.

Weerarkan ayaa imaanayaa iyadoo Jubbaland ay bisha dambe isku diyaarineyso doorashadda baarlamaanka iyo tan madaxtooyada oo si weyn isha loogu hayo, isla markaana aad loogu tartamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM