Shaqsiyaadka caanka ah ee ku naf-waayey is-miidaamintii Kismaayo

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Mas'uuliyiinta Jubbaland ayaa xaqiijiyey geerida shaqsiyaad caan ah oo lagu dilay weerarkii lagu qaadey huteelka Cas-casay ee Kismaayo, xarunta ku meel gaarka maamulkaasi.

Sidda ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka, ku dhowaad tobban ruux oo illaa iyo haatan la hubiyey in lagu khaarijiyey duulaankaasi oo ay ku bilowday qarax gaari, ayna xigeen dabley gashay dhismaha.

Hodan Naleeyeh oo ah gabar saxafiyad ah haysatayna dhalashada Canada oo ay dhowaan kasoo laabatay ayaa ku geeriyootey dhacdadaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inseygeeda, Fariid Jaamac, oo mar noqday wsiirka ganacsiga Jubbaland ahaana ganacsade uu kamid noqday dadkii ku baxay mashaqadaasi.

Marxuumadda ayaa ah aas-aasaha muuqaal-baahiyaha Integration TV kaasi oo ka warama arrimaha maxaliga ah ee dalka iyo qurba joogta Soomaaliyeed.

Maxamed Sahal Gacmadheere, wariye ka tirsanaa talafishinka SBC isla markaana fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ayaa isna la sheegay in uu kamid noqdey murxuumiinta.

Deeq Ciise Cabdulle, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini'aadanimadda ayaa dhankiisa ku jira dadka ku naf-waayey Is-miidaamintaasi. Si lamid ah nabadoon ayuu galaaftey weerarka.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo kamid ah murashaxiinta Jubbaland iyo ganacsade Arbaca Rukun ayaa iyana lasoo wariyey in ay ku dhinteen weerarkan oo bilowday gabal-dhicii Jimcaha.

Dhanka kale, dad kale oo ay ku jiraan siyaasiyiin, xildhibaano caan ah iyo odayaal dhaqameedyo ayaa lagu waramayaa in laga soo badbaadiyey gudaha huteelka.

Madaxda dalka qaarkood ayaa waxay durba bilaabeen in ay cambaareeyan duulankan aadka u abaabulnaa, iyaga oo tacsi u diraya eheladda dhibaneyaasha.

Taliska Booliska ayaa u sheegay Garowe Online in dhimashada ay kordhi karto maadaama ay jiraan bukaano daran oo la geeyay Isbitaalka guud ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Weerarkan oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay Al-Shabaab ka geysato Kismaayo muddo kadib ayaa imaanaya xili ay magaalada isku diyaarineyso doorasho qabsoonta bisha dambe ee Agoosto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay wali furan yihiin albaabada wadahadalka khilaafka doorashada

Baaqan ayaa imanaya xilli xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin qaabka doorashada iyo arrimaha dastuuriga.

  • Soomaliya

    04-02-2026

  • 09:42AM

Warar Is Khilaafsan oo Ka Soo Baxaya Geerida Saif al-Islam Gaddafi

Madaxa kooxda siyaasadeed ee Saif al-Islam ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Liibiya…

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 08:44PM