Shaqsiyaadka caanka ah ee ku naf-waayey is-miidaamintii Kismaayo

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Mas'uuliyiinta Jubbaland ayaa xaqiijiyey geerida shaqsiyaad caan ah oo lagu dilay weerarkii lagu qaadey huteelka Cas-casay ee Kismaayo, xarunta ku meel gaarka maamulkaasi.

Sidda ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka, ku dhowaad tobban ruux oo illaa iyo haatan la hubiyey in lagu khaarijiyey duulaankaasi oo ay ku bilowday qarax gaari, ayna xigeen dabley gashay dhismaha.

Hodan Naleeyeh oo ah gabar saxafiyad ah haysatayna dhalashada Canada oo ay dhowaan kasoo laabatay ayaa ku geeriyootey dhacdadaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inseygeeda, Fariid Jaamac, oo mar noqday wsiirka ganacsiga Jubbaland ahaana ganacsade uu kamid noqday dadkii ku baxay mashaqadaasi.

Marxuumadda ayaa ah aas-aasaha muuqaal-baahiyaha Integration TV kaasi oo ka warama arrimaha maxaliga ah ee dalka iyo qurba joogta Soomaaliyeed.

Maxamed Sahal Gacmadheere, wariye ka tirsanaa talafishinka SBC isla markaana fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ayaa isna la sheegay in uu kamid noqdey murxuumiinta.

Deeq Ciise Cabdulle, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini'aadanimadda ayaa dhankiisa ku jira dadka ku naf-waayey Is-miidaamintaasi. Si lamid ah nabadoon ayuu galaaftey weerarka.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo kamid ah murashaxiinta Jubbaland iyo ganacsade Arbaca Rukun ayaa iyana lasoo wariyey in ay ku dhinteen weerarkan oo bilowday gabal-dhicii Jimcaha.

Dhanka kale, dad kale oo ay ku jiraan siyaasiyiin, xildhibaano caan ah iyo odayaal dhaqameedyo ayaa lagu waramayaa in laga soo badbaadiyey gudaha huteelka.

Madaxda dalka qaarkood ayaa waxay durba bilaabeen in ay cambaareeyan duulankan aadka u abaabulnaa, iyaga oo tacsi u diraya eheladda dhibaneyaasha.

Taliska Booliska ayaa u sheegay Garowe Online in dhimashada ay kordhi karto maadaama ay jiraan bukaano daran oo la geeyay Isbitaalka guud ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Weerarkan oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay Al-Shabaab ka geysato Kismaayo muddo kadib ayaa imaanaya xili ay magaalada isku diyaarineyso doorasho qabsoonta bisha dambe ee Agoosto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM