Xaaf oo kashifay qorshaha kulan Garowe uga furmaya madaxda maamuladda

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo kusoo noqdey caasimada maamulkiisa ee Dhuusamareeb kadib safar uu ku tegay Nairobi ayaa xusay in ay beesha caalamka ugudbiyeen Ashtako ka dhan DFS.

Xaaf ayaa qayb ka ahaa hogaamiyaasha maamuladda, Puntland - Cabdiwali Gaas, Jubbaland - Axmed Madoobe, iyo Koonfur Galbeed - Shariif Xasan, kuwaasi oo caasimada Kenya kula kulmay saaxiibada Soomaaliya.

Sida aan idin kugu soo gudbinay wararkeenii horey, madaxda ayaa shirar gaar-gaar ah iyo mid guud la yeeshay safiirada dalalka caalmka uqaabilsan Soomaaliya, iyaga oo ka raadiyey taageero ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Balse, Xaaf ayaa dafiray inay kulan guud oo xaaladda dalka looga hadlay ay lasoo yeesheen maamuladda, balse wuxuu qiray inay siyaabo gaar-gaar ah ula shireen, ayna gudbiyeen dacwad ka dhan Dowladda.

"Inaga si kadis ah ayaan isugu aragney Nairobi, qof walba wuxuu usocdey ujeedo gaar ah. Balse, waan isku aragnay halkaasi, aniga xitaa wax badan kasii joogin," ayuu yiri Madaxwaynaha Galmudug.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay warsidaha GO in kulamada ay la yeesheen madaxda goboladdu danjirayaasha caalamka arrimaha laysla soo qaadey ay qayb ka ahayd shir Garowe 10-ka bishaan uga furmaya Gollaha Iskaashiga dowladda, ayna kasoo qayb ka galaan saaxiibada Soomaaliya.

Xaaf oo arrimahaasi soo qaadey ayaa xaqiijyey isaga oo afka ku balaariyay in shirka uu qabsoomi doono islamarkaana ay diiradda ku saari doonan xaaladihii ugu dambeeyay iyo qodobadii kasoo baxay shirkooda Kismaayo oo ay xiriirka ugu jareen maamulada iyo hadii DFS fulisay dalabyadooda.

"Shirka waa sidiisii waxaana looga hadli doonaa xaaladda dalka. Shirkii Nairobi kaliya waxaan gudbinay culeysyadda aan wajaheyno, ee ma uusan jirin mid aan Beesha Caalamka la yeelaney, laakiin midka Garowe ayaa arrimahaasi looga doodi doonaa," ayuu raaciyay Xaaf.

Is-marin-waaga siyaasadeed ee dowladda iyo maamullada ayaa u muuqda mid yeelanaya waji cusub xili Machadka Heritage oo warbixin kasoo saarey uu ku taliyey in Aqalka Sarre lagu aamino xal u helista Khilaafkaan qarka u saaran inuu gaamuro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM