Xaaf oo ku Magacaabay Gole Wasiiro cusub [Akhriso Liiska]

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa ku dhawaaqay liiska golle wasiirro cusub, oo mudooyinkii dambe la hadal hayay magacaabistooda.

Digreeto kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu magacaabey wasiiradda cusub, oo ka kooban 25, kuwaasoo ay kasoo dhex-muuqdeen wajiyo cusub, oo dhanka Ahlu Sunna ka yimid.

Waxa uu Xaaf soo celiyay xubno kamid ahaa xukuumadii hore, sida Wasiirka maaliyadda Saciid Sayaad Shirwac oo kasoo jeeda beesha degta Cadaado, kaasoo cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeeya Madaxweynaha.

Ku dhawaaqida Xaaf ee Gollaha Wasiiradda ayaa kusooo beegmaysa xili Galmudug labo garab u kala qeybsan tahay, oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Afhayeenka baarlamaanka ay ku shaqeynayaan Cadaado, iyago iyo xildhibaano badan.

HOOS KA AKHRI DIGREETADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM