Xabsiga Godka Jilacow oo la xiray iyo sababta oo la ogaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday in gabi ahaanba Irdaha loo laabay xabsiga "Godka Jilacow" oo ku yaalla nawaaxiga aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Wasiiradda Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow, iyo Cadaaladda, Xasan Xuseen Xaaji, oo ka hadlay shir jaraa'id oo gudaha xabsiga ayaa sheegay in go'aankan uu yimid kadib cabasho dowladda uga yimid hay'adaha xuquuqda aadanaha iyo shacabka.

Mas’uuliyiinta ayaa tibaaxay in magaca laga bedalay xabsiga, iyadoo loo baxiyay Xarunta Akadeemiyadda Jilacow, oo wixii maanta ka dambeeyay lagu tababari doona ciidmada Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee [NISA].

“Wixii haatan ka dambeeya dad lasoo xiro, waxay ehaladooda ka raadin doonan xabsiga dhexe ee [Xamar] iyo saldhigyada Booliska,” ayaa laga soo xigtay labadda Wasiir intii ay ku guda jireen shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen.

Godka Jilacow oo caan ah ka ah magaalo madaxda dalka Soomaaliya ayaa lagu ciqaabi jiray shaqsiyaadka lagu tuhmo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo dadka kale ee lagu soo qabtay howlgalada ay ciidamada amnigu sameeyaan.

Tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa laga soo wariyay Xabsiga oo ay maamusho NISA, waxaana kamid ah in qofka lagu qabto Koronto, in loo geysto Jirdil iyo dhibaatooyin kale, kuwaasi oo ka hor-imaanaya qawaaniinta maxbuuska.

Talaabada xukuumaddu qaaday oo aanan la ogayn sababta daaha gadaashiisa ku jirta ee ka dambeysay ayaa imaaneysa iyadda oo horey loo dhaliilay Hab-dhaqanka saraakiisha xabsiyadda dowlada eek u wajahan maxbuuska.

Xabsigan fadeexadda jirdilka ku caan-baxay, oo loogu magac-daray Jen Axmed Jilacow Caddow, taliyihii hore ee Nabad Sugida ayaa ahaa mid shaqeynayay tan iyo dowladdii dhexe ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM