Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo dacwad laga gudbinayo

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Xildhibaan hore Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Daahir Aamiin Jeesow, oo hadda ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Goodir ayaa daboolka ka qaadey in khilaafka kala dhaxeeya Jeesow uusan salka ku haynin "dhagax qaali ah" oo laga helay degaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, kaasoo dowladdu qabatay.

Isagoo la hadlay warbaahinta, wuxuu tilmaamay in murankooda uu daaran yahay "faragelinta iyo kala qeybinta uu Jeesow ku hayo arrimaha hoose ee bulshadda ay metelaan".

Mar uu soo qaadey hadal hanjabaad ah oo kasoo yeeray Jeesow oo ahaa in uu "nolosha dhaafin doono iyo in uu dhici doono hantidiisa", Goodir ayaa ku adkeystay in uu is-daaci doono.

Goodir oo cambaareeyay dhawaqa kale oo kasoo yeeray Jeesow oo isaga ku qeexay "afhayeenka Al-Shabaab", wuxuu daaha ka rogay in uu ku dacweyn doono gudoonka xeer-dejinta.

"Wixii hadda ka dambeeya xasaanada uu ku faanayo kama celineyso dambiyada uu ka gelaayo shaqsiyaadka, beelaha iyo Umadda. Waxaana loo marayaa wadada sharciga," ayuu kusoo xiray.

Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa wuxuu kamid yahay mudaneyaasha taageersan dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Is-qabqabsiga Jeesow iyo Goodir ayaa imaanaya iyaddoo xilheynta baarlamaanka uu dhamaad yahay, waxaana tirro dhowr jeer ah ay horey isugu mariyeen warbaahinta hadalo noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM