Xildhibaan si adag uga fal-celiyay warar been abuur ah oo laga faafiyay

Image

NAIROBI, Kenya – Dadwaynaha adeegsada baraha bulshadda ayaa maalmihii dambe isla dhex-marayay in uu geeriyooday Xildhibaan Ken Okoth, oo kamida baarlamanka wadankaasi Kenya.

Hasayeeshee, mudanaha oo ka fa-celiyay arrinkaasi ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaasi, isaga oo codsaday in laga joojiyo ka been abuurashada nafsadiisa.

"Dadku waa in ay joojiyaan in ay igu dilaan kahor waqtigeyga kutur-kuteen," ayuu yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Okoth oo 41-sano jir ah kaasi oo laga helay kansarka heerka 4aad ayaa rajo ka muujiyay in uu kasoo kabto.

"Wanaaga wali ma aysan imaan … aniga waan badbaaday … waana kasoo kaban doonaa," ayuu hadalkiisu ku daray.

Bishii Febraayo ayay ahayd markii uu mudanaha uu ku dhawaaqay in uu qabo Kansarka, uuna ku howlan yahay sidii uu uga soo kaban lahaa.

Kansarka oo kamid ah cudurada dilaaga ah ee sanadihii u dambeeyay kusoo badanayay dunida ayaa daawadiisu ku yar tahay Kenya, taasi oo ku riixday sharcidejiyaha in uu dibada ka raadsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM