Xogo dheeri ah oo laga helay is-qarxintii uu ka badbaaday Odowaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa wuxuu shalay kaga badbaaday weerar is-miidaamin ah isgoyska Tarbuunka, degmada Hodan ee Muqdisho.

Is-qarxintan loo adeegsaday gaariga nooca Saarufta ah ayaa lala beegsaday kolanyo galbineysay sarkaalka oo ka yimid dhanka Wasaaradda Gaashaandhiga, sidda ay Garowe Online u sheegeen saraakiil amni.

Odowaa oo aysan waxyeelo soo gaarin ayaa u tegay wasaaradda difaaca si uu u soo indha-indheeyo saraakiil uu tababar uga socdo.

Sidda ay muujineyso fahfaahinta, ilaalada taliyaha gaar ahaan qeybta saarneyd gaariga koowaad ee kolanyadda ayaa arkay baabuurka laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo kula jiray safka ay ku sodeen.

Rasaas ay ku fureen ayaa sababtay dhaawac soo gaarey darawalkii, waxaana qarxay gaarigii markii uu kusoo dhawaaday kolanyadda.

"Ilaaladda waxay rasaas ku fureen gaariga ismiidaamiyaha uu saarnaa, waxayna dhaawaceen naftii haligaha. Kadib darawalkii naftii haligaha ahaa wuxuu sarre u qaaday xaraawaha gaariga isagoo u soo kaxeeyay dhanka baabuurka uu saarnaa taliye Odowaa, kadibna wuu is-qarxiyey. Qarxaas wuxuu sababay waxyeelo soo gaarey gaariga taliyaha, balse Jeneraalka waxba ma uusan soo gaarin," ayay yiraahdeen dhowr illo wareedyo.

Darawalka gaariga taliyaha iyo askari kale oo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa halkaas uu kasoo gaarey dhaawacyo, waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa Isbitaalka Ciidamadda Xoogga oo ku dhow goobta.

Dad kale oo shacab ah isla markaana ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa wax ku noqdey falkaas aysan dowladdu ka hadlin.

Odowaa ayaa darajada ciidan waxaa loogu abaalmariyey dagaalo kala duwan oo uu la galay Al-Shabaab oo mas'uuliyadda falkaan dusha saartay, iyagoo tibaaxay in ay wax ku gaarsiiyeen saraakiil iyo askar.

Sanadkii hore ayaa Gen. Odowaa loo magacaabay xilka taliyaha ciidamadda. Wallow uu leeyahay taariikhyo fiican soo qaatay tababaro badan, tan iyo markii la xushay, ma jiraan guulo muuqda uu ciidanku soo hooyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM