Xogta Nin fuliyay qarax dad badan ku dilay Muqdisho oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab, ayaa shaacisay xog ku saabsan ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dadka badan ku dilay Isgoyska KM-0 ee magaalada Muqdisho habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Idaacadda Al Shabaab, Andalus ayaa baahisay cod laga duubay nin magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Sheekh Aadan, oo ka dambeeyay weerarkii kowaad ee ka dhacay agagaarka xarunta NISA ee Habar-Khadija kaasi oo ay ku dhinteen 20 qof.

Ninka ayaa wareysi uu siiyay Andalus kahor inta uusan isqarxin ayaa ku sheegay inuu kasoo jeedo mid kamid ah Beelaha dega gobolka Gedo, gaar ahaan Beesha Mariixaan.

Naftii-hurran ayaa waday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo uu ku qarxiyay Barkoontarool oo NISA ku leedahay Isgoyska KM-0, iyadoo xilligaasi wadada ay marayeen dad badan oo shacab ah oo ka yimid qaarkooda dhanka xeebta Liido.

Qarax labaad oo dowladda ay sheegtay inay fashilisay ayaa sidoo kale isla xilligaasi ka dhacay nawaaxiga Dhagar-Tuur, kaasi oo raggii Gaariga la socday ay Ciidamada toogteen, iyagoo ku lebisan Dareeska Booliska Soomaaliya.

Weerarka oo geestay khasaaro naf iyo maal leh ayaa waxaa uu dhacay maalin kadib markii Taliyeyaal loo magacaabay NISA iyo Booliska, iyadoo aan Muqdisho ka dhacin weerar kanoo kale kahor magacaabista Taliye-yaasha cusub.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay inay baarayso qaabkii uu gacanta ugu galay Al shabaab Dareeska Booliska iyo Agab kale, sida Raadiyaha Gacanka ee Ciidamada kuwada xiriirraan oo ay isticmaalayeen raggii weerarka fuliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM

Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Gollaha Mustaqbalka

Maadaama uu soo dhow yahay dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo u baahan heshiis.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:44AM