Xukuumadda Somalia oo war kasoo saartey xariga Mukhtaar Roobow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saarey xariga Mukhtaar Roobow, oo saaka ciidamada Itoobiya ku qabteen magaalada Baydhabo.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda amnig ayaa lagu sheegay in Roobow uu jebiyay qodobo kamid ah heshiiskii uu horey ula galay, islamarkaana uu hub soo geliyay Baydhabo, sidoo kalena sameeyay abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga.

WAR SAXAAFADEEDKA:

Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen;

In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.

In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.

Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada.

Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed.

Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xukuumada Soomaaliya oo qiil u yeeshay ciidanka ay geysay Raaskambooni

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa warbixintan geysay shirka golaha Wasiirada dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    05-12-2024

  • 09:35AM

Jubaland oo digniin culus kasoo saartey ciidanka la geeyay Raaskambooni

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaamay ciidamadaas.

  • Soomaliya

    05-12-2024

  • 06:07AM