Zubeyr Al Muhaajir oo shaaciyey cidda kusoo dhaweysay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mid kamid ah saraakiisha ajaaniibta ah ee waqtiga dheer ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab ayaa si rasmi ah isugu dhiibay dhiibay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Zubeyr Al Muhaajir ayaa sababta uu uga soo baxay kooxdaas gacansaarka la leh Al-Qaacida ku sheegay "in aysan ku dhaqmin Diinta Islaamka iyo gaaleysiinta xukuumada Muslimiinta".

Barnaamijka Galka Baarista ayuu u sheegay in feker ahaan uu ururkaas ka baxay 2013-kii balse uu degaanadooda kasoo tegay October, 2019.

Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho, sidda uu ka dhawaajiyey.

"Markii ugu horeysay waxaan ka degay saldhiga ciidamadda AMISOM ee garoonka diyaaradaha Muqdisho," ayuu ku sheegay wareysiga.

Barnaamijkan ka baxa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa baahiyey in Al Muhaajir uu waqti xaadirkaan ku sugan yahay "guri ammaan ah oo Dowladda Soomaaliya ay ku og tahay".

Muranka Zakawaadka

Intii lagu guda jiray wareysiga, shaqsigan u dhashay wadanka Ivory Coast ayaa dib u celiyey xusuustiisa, isagoo daaha ka rogay muran dhexmaray isaga iyo Shabaab.

"Kahor inta aan soo baxsan, Al-Shabaab waxay kormeer ku timid mehrad aan ku lahaa Galhareeri [gobolka Galgaduud], iyagoo i waydiiyey in aan bixiyo Zakawaadka," ayuu shaaciyey.

Wuxuu ku daray: "Waan la doodey, maxaa yeelay Zakawaadka waxaa lagu saleeyaa dakhliga qofka anna ma aanan haysan dhaqaalo badan".

"Balse waxaan u sheegay in aan bixinayo hadii ay canshuur iga doonayaan," ayuu hadalkiisa kusii daray Zubeyr Al Muhaajir.

Baaqiisa ku wajahan dowladda

Dowladda federaalka ayaa inta badan cafis u fidisa shaqsiyaadka kasoo goosta Al-Shabaab. Xubnahaas waxaa la geliyaan xarun dhaqan-celin.

"Xukuumadda Soomaaliya waxaan ka sugayaa in ay ka dhawaajiso nooca uu yahay mashruuca ay ii hayso," ayuu ku adkeystay.

Si looga adkaado Al-Shabaab, Al Muhaajir ayaa soo jeediyey in si dhab ah loo wajaho baacsiga ururkaas si gaar ah in xooga la saaro fekerka.

"Waa in ay Al-Shabaab kala dagaalamaan dhanka fekerka, sababtoo ah tani waa waxa xoojineysa Al-Shabaab," ayuu carabka ku dhuftay.

Zubeyr Al Muhaajir ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Hadii dadku xaqiiqsadaan in fekerkooda uu khilaafsan yahay Islaamka, waxaan filayaa in Al-Shabaab aysan sii jiri doonin wax badan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM