Faysal oo sharaxay qodobo ay "isku aragti" ka noqdeen Axmed Madoobe

Image

HARGEYSA, Somaliland – Iyadda oo gudaha Somalilad ay ka jirto qalalaaso siyaasadeed, Faysal Cali Waraabe, oo socdaal ku tegay Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa ka warbixiyey socdaalkiisa maalmaha qaatay.

Mudadii uu ku sugnaa magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, Faysal ayaa la kulmay mas'uuliyiin ka kala socda Kalinka Shanaad iyo Jubaland, oo ah maamul xubin ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu Waraabe ka fariistay xubnaha Beesha Caalamka oo dhowaan ka hor-yimid muddo kororsiga baarlamaanka Somaliland, talaabadaas oo dab kusii shidey khilaafka xukuumada iyo mucaaradka.

"Beesha Caalamka oo naga sii niyad-jabeysay waxay ahayd in aanu niraahno faraha ha naga qaadina rajo ayaanu leenahay," ayuu u sheegay koox ka tirsan warbaahinta oo Khamiistii, 28 November 2019, uu la hadlay.

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ayaa daaran Guddiga Doorashooyinka gaar ahaan xubno xukuumadda kusoo dartay oo la sheegay in ay dhankeeda u jaran-jeeraa, wallow ay eedaas beenisay.

Xurgufta oo xoogeystay markii xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI iclaamiyey banaanbax balaaran ayaa loo xiray mas'uuliyiin xisbiga ka tirsan, wallow lasii daayey kadib farogelin ka timid odayaasha dhaqanka.

Canshuur joojin

Faysal Waraabe oo cod dheer uga dayriyey xaalka ay haatan dhex-dabaalaneyso Somaliland ayaa ku dhaartay in xisbiyadda mucaaradka ay taageerashooda ugu baaqi doonan in aan la bixin mucaaradka hadaan la fulin dalabkooda.

Codsigooda ayaa wuxuu yahay in kahor inta aan la gaarin bisha December la kala diro goleyaasha degaanka si loosoo doorto xubno cusub.

"Maxaa lagu qabtaa canshuurta Islaanta laga qaado, miskiimada ah, subax kasta la dul-taagan yahay, biyo ma haysayo nal ma haysato, waddo ma haysato hab ma haysato, taas-na qabsata," ayuu si cad u qeexay.

Khilaafka ugu badan ee xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa salka ku haya doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha oo muddo lix jeer ah dib ugu dhacay dhowaanba loo kordhiyey laba sano oo dheeraad ah.

Siyaasiga oo qiray in meesha ay hadda mareyso Somaliland aanu cidna ku fekerin ayaa ka digay dagaal kale oo ka dhaca degaanada maamulkan gooni u goosadka ah tan iyo 1991-dii balse aan wali aqoonsi helin.

Go’aanka cusub ee mucaaradka ayaa cadaadiska ku kordhinayaan xukuumadda oo uu culeys siyaasadeed kaga soo fool leeyahay dhanka Beesha Caalamka oo ku baaqday doorashooyinka waqtigooda lagu qabto.

Ka hortag

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo hogaamiyaha xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Bulshadda ayaa isla soo qaadey siyaasadda Soomaaliya iyo Somaliland si lamid ah dhaqdhaqaaqyada Geeska Afrika.

Darafyadda ay is arkeen Faysal waxaa sidoo kale ku jira Salaadiin iyo madaxda xisbiga mucaaradka ah ee ONLF ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

"Kolba waxaanu ka tashanay, si Soomaali loo badbaadin lahaa iyo Somaliland-ba," ayuu daboolka ka qaadey gudoomiyaha UCID.

Faysal ayaa ku daray "si looga hortagi lahaa qorshaha safiirka Mareykanka, Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee la doonayo in Soomaalida Geeska Afrika Itoobiya ay liqdo si ay dekedaheena u qabsato".

Mr Waraabe ayaa carabka ku dhuftay in dhinacyadda ay kulmeen "isku aragti" ka noqdeen sidii looga hortagi lahaa "qorshaha Farmaajo ee ah 'Soomaali ayaan kuu keenayaa I caawi' Alxamdulillaah".

"Qorshaha Yamamota [safiirka Mareykanka] waa in uu Soomaaliya, Somaliland iyo Eritrea isku daro oo ka dhigo federation system, taasoo keenaysa in dowladaha yar-yar liqdo Itoobiya si ay badaha u qabsato".

Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii 2018 kala saxiixdey heshiis iskaashi saddex geesood ah oo ku aadan is-dhexgalka dhaqaalaha, ganacsiga iyo ammaanka.

Wuxuu tilmaamay: "Afar dekadood buu bixiyey, intii ayuu Farmaajo ka bixin karaa dekad? Gedo [gobol] ayuu ka dhashay dekad qura ma leh, waa dekedaheena waxa la bixinayo, waa in aan toosnaa".

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa shir ku leh Addis Ababa, iyaga oo ka arrin-sanaya isbedel lagu sameeyo ururkaas iyo sidii wadamadda mandiqada u sameyn lahaayeen iskaashi dhanka badaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM