Mas'uuliyiinta xisbiga Waddani ee la xiray oo xorriyadooda loo celiyey

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Mas'uuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee laamaha ammaanka maamulka Somaliland ay xireen horaantii bishaan November 2019-ka ayaa haatan xorriyadooda loo celiyay.

Shaqsiyaadka in lasii daayey ayaa kala ah; Khadar Xuseen Cabdi, xoghayaha xisbiga, Barkhad Jaamac Xirsi, afhayeenka iyo Cabdi Ibraahim Cabdullaahi Ilameerayso oo waxgaradka Hargeysa ku jira.

Xubnahaan ayaa la xabsi loo taxaabay markii xisbigooda ku dhawaaqay mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo ay ku eedeeyeen in ay maroor-saneyso doorashooyinka.

Mar ay si kooban warbaahinta ula hadlayeen, Barkhad iyo Ilameerayso oo farxad ka muujiyey sii deyntooda ayaa ka dhawaajiyey in ay dib ka sheegi doonan "hadalkii qarniga".

Taliska Booliska ayaa u sheegay mareegga Garowe Online xafiiska magaaladda Hargeysa in isu soo baxa la iclaamiyey uu yahay "sharci darro" isla markaana aanan la ogoleyn.

Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha WADDANI oo sharci darro ku tilmaamay xariga mas'uuliyiinta, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi "ku tamashada shuruucda doorashooyinka".

Xukuumadda Biixi ayaa lagu dhaliilaa in ay caburiso siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka aragtida duwan maamulkiisa iyo wariyeyaasha u shaqeeya warbaahinta xogta ee madaxa banaan.

In ka badan todobaad oo ay ku jireen xabsiga Mandheera, ma jirin dacwad lagu soo oogey, inkasta oo ay horeyba u jirin balwo maxkamadeed oo laamaha ammaanka siteen markii ay qabanayeen.

Xisbiyada Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf dhanka doorashadda ah gaar ahaan Goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo muddo lix jeer ah jeer ah la baajiyey.

Ismaandhaafka ugu badan ayaa ka taagan Guddiga maamulaya coddeynta oo mucaaradku dalbanayo in gebigooda la bedelo, taasoo xisbul xaakimka KULMIYE qoonsaday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Guddiga soo magacaabay ayaa lagu haystaa laba xubnood kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan xubnihii kolkii hore la duray.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in xubnihii hore ay u jaran-jeereen dhanka xukuumadda. Hase ahaatee, waxaa eedeyntaas waxbo kama jiraan kasoo qaadey maamulka.

Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii balse aanu dunida aqoonsaneyn ayaa waxaa ka jirta caburin iyo xarig.

Sii deynta ayaa kusoo hagaageysa xili waanwaan lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay xariga ay wadaan Guddi ka kooban siyaasiyiin iyo ganacsato, kuwaas oo kolkii hore waji gabax kala kulmay Biixi.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameyso in Guddiga ay ku cadaadiyeen Madaxtooyadda in ay xorriyadooda u celiso mas'uuliyiinta "maadaama aan lagu hayn dambi cad oo ay galeen qaladna tahay xarigooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM