Madaxweyne Muuse Biixi oo eedeeyay Dowladda Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo salka ku haya dacwadii dhawaan dowladda Soomaaliya u gudbisay Gollaha Amaanka ee QM. Halkan ka akhri.

Isagoo kula hadlyay Saaxafadda Madaxtooyadda, ayuu sheegay Muuse Biixi in dowladda Soomaaliya ay cunaqabateynayso maamulkiisa, oo ay ka kahor istaagayso heshiisyada mashaariicda horumarineed.

Muuse ayaa tallaabooyinkaas ku tilmaamay mid ka dhan ah himilada Somaliland, kana hor imanaya go’aankii shacabka reer Somaliland hore ugu gaareen ee ahaa inay dawlad madax bannaan noqdaan.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad Somaliland ay qaadey wixii tallaabooyin ahaa ee ay kaga hor tegayeen dacwadaha Soomaaliya gudbisay Gollaha Amniga ee ku saabsan Dekedda Berbera.

“Waxaad ka war qabtaan in dawladda Muqdisho ay dacwad geysay golaha Ammaanka, dacawaddaas oo ku saabsan Somaliland dhulkeeda oo ah heshiiska ay dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen, gaar ahaan DP World iyo mashaariicda aynu la galnay in Berbera lagu horumariyo. Arrintaas iyada ah meelaha ay khusayso waanu gaarsiinay waraaqaheeda iyo warkeeda, ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa ku wargeliyay Dawladaha Jaarka ah, IGAD iyo caalamka in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku hayso arrimaha maamulkiisa, taasi oo uu sheegay in aysan marnaba u dul-qaadan doonin.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jaamacadda Carabta iyo Gollaha Amaanka u gudbisay bishan dacwado ka dhan ah Imaaraadka, iyadoo ku baaqday in looga dambeeyo heshiisyada lala galayo shirkadaha ama dowladaha shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM