Muuse Biixi: Dowladda Farmaajo waxay dagaal qaawan ku heysaa Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa maanta xustay 25 guuradii kasoo wareegatay aas-aaska ciidamada maamulkaan gooni isku taaga ah kadib munaasabad ay Hargeysa kaga qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga talada haya.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa kamid ahaa xubnahii kasoo muuqday xaflada, halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad uu kusoo qaaday qodobo kala duwan, isagoo eedeymi culus u jeediyay dowlada dhexe Somalia iyo Puntland.

Ugu horeyntii, Biixi ayaa ku eedeeyay xukuumada Farmaajo inay weerar "qaawan oo dhinac kasta ah" ay ku hayso maamulkiisa tan iyo markii ay xafiiska timid isaga oo usoo jeediyay inay culeyska ka yareyso.

"Weerar qaawan, cunaqabeyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayay Somaliland ku hayaan Farmaajo iyo Khayre tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen," ayaa laga soo xigtay Muuse Biixi mudadii uu hadal-jeedinta sameynayay.

Dabayaaqada sanadkii hore ayay ahayd markii wasaarada qorsheynta dowlada Federaalka ay ka dalbaday beesha caalamka inay dhaqaalaha ay siinayaan Hargeysa usoo marsiiyaan xukuumada Muqdisho.

Puntland iyo Somaliland colaad taariikhi ah oo ku saabsan gacan ku aheynta gobolka Sool, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku adkeystay in marnaba maamulkiisa uusan gor-gortan ka geli doonin.

"Xuduudkeena waan difaaceynaa….inay cid kusoo xad-gudubto kama qaadaneyno," ayuu hadalkiisu raaciyay isaga oo umuuqda mid hareer-maraya hadalo horey uga soo yeeray oo ah inay doonayaa nabad iyo xasilooni.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynuhu wuxuu carabka ku dhuftay inay muhiim tahay qabsoomida doorashooyinka Gollayaasha Baarlamaanka, isaga oo qiray in hadii ay dhici waydo inay shaki galeyso dimoqraadiyada maamulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM