Muuse Biixi oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay dagaalka Tukaraq [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka dambayso dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa afkiisa ka ilaaliyay erayga Puntland markii uu ka hadlayay colaadda Tukaraq, waxaana uu sheegay in Dowladda Federaalka ay duulaan qaawan kusoo qaadey Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in saddexdiii bilood ee lasoo dhaafay ay dowladda Federaalka ay 25 jeer ay weerar ku qaadey deegaanada Somaliland, isagoo u sheegay shacabkiisa iyo beesha caalamka in 6-KM loogu soo xad-gudbay xuduuda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Saxaafadda la hadlayay ayaa ku faanay in Ciidamada Somaliland ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalkii saaka Ciidamada Puntland kula galeen nawaaxiga Tukaraq.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dagaalka gobolka Sool iyo eedeynta Somaliland, oo noqonaysa mid kusoo beegmaysa xilli wadahadalladii labada dhinac uu fashil ku yimid.

Dagaalka Tukaraq ayaa yimid maalin kadib markii Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating uu kala hadlay madaxda Somaliland sidii loo qaboojin lahaa Xiisadda, isagoo ugu baaqay maamulkaasi in Ciidankiisa kasoo saaro Tukaraq.

Dhinaca kale, Puntland oo soo saartey war saxaafadeed ay uga hadashay colaadda kasoo cusboonaatey Tukaraq, ayaa ku eedaysay Muuse Biixi inuu bixiyay duulaanka lagu qaadey Ciidamada Puntland ee ku sugan jiida hore. [Halkan ka akhri Warka].

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM