Raila oo ku baaqey in aqoonsi la siiyo Somaliland, Somaliya oo ka carootey

Image

KENYA: Safaarada Somaliya ku leedahay wadanka Kenya ayaa jawaab Caro leh ka bixisay hadal kasoo yeeray hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah CORD Raila Odinga kaasoo sheegey in Somaliland loo aqoonsado wadan xor ah.

Safiirka dalka Somaliya u fadhiya wadanka Kenya Jamal Xasan ayaa hadalka Raila Odinga ku tilmaamey mid mas'uuliyad daro ah islamrkaana xadgudub ku tahay  madaxbanaanida wadankiisa.

Raila oo hadal ka jeedinayey aqalka la yiraahdo Chatham ee ku yaal wadanka Ingriiska magaaladiisa London ayaa sheegey inuu tageerayo aqoonsi buuxa oo la siiyo maamulka Gooni isu taaga ah ee Somaliland.

" Waxaa si xoogan u tageerayaa in aqoonsi buuxa la siiyo Somaliland. Waxaan u maleynayaa inuu jirto xaqiiq dhab ah oo tageereysa fikirkeyga" ayuu yiri Raila Odinka isagoo ka jawaabaya su'aalo la waydiiyey.

Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya hadalkaan ayaa ku tilmaamey soo jeedinta Raila Odinga mid Dhadhan xun islamarkaana ay tahay arimaha Somaliya loo dhaafo dadka Somalida ah.

Jamal Xasan oo eedeyn midaan lamid ah soo dhigey bogga safaarada Somaliya ku leedahay Twiter ayaa ku sheegey in dadka siyaasiyiinta ah aysan faraha la galin arimaha wax u dhimaya qaranimada dal kale.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqey in dalka Somaliya ka go'ay sanadkii 1991 kaasoo weli aan  helin aqoonsi caalami ah.

Hadalka Ra'ila Odinga ayaa yimid asbuuc kadib markii gudoomiyaha dalada mideysa gudoomiyeyaasha gobolada Kenya, Peter Munya ku baaqey in wax uun aqoonsi ah la siiyo Somaliland.

Hadalka Peret Munya ayaa yimid kadib markii wafti uu hogaaminayo booqasho ku tageen magaalada Hargeysa kasoo madaxda Somaliland ka raaridayeen sidii xanibaada cashuurta badan uga qaadi laheeyeen qaadka Mirowga ee ka yimaada dalka Kenya.

" Warbixintaan siiyey xubno sare ee kamid ah sarakiisha Kenya waxaan isku dayey in aan ka dhaadhiciyo dowlada in la magaacaabo guddi farsamo oo qaabislan is weydaarsiga ganacsiga kasoo wax uun aqoonsi ah siinaya Somaliland".

Munya oo sidoo kale ka ah Gudoomiye gobolka Meru, ayaa yiri suuqa qaadka Mirowga ee loo dhoofiyo Somaliland sanadkii waxaa uu joogaa SH40 billion lacagta Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM