Saylici "Goobihiina Difaaca inaydaan ka dhaqaaqin ayaan idiin ku nimid"

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta booqday jiida hore iyo goobaha ay ciidamada Somaliland ka joogaan gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay dhawaan ka qabsadeen Puntland.

Booqashada Saylici oo ay ku weheliyeen saraakiil katirsan ciidamada, xukuumadda iyo maamulka gobolkaas ugu magacaaban Somaliland, ayaa kormeer ku tagay goobaha ay joogaan ciidamada Somaliland.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa wafdigan waxay kaga soo kicitimeen magaalada Laas-caano ee xarunta gobolka Sool.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq ayaa wafdigan u sheegay in deegaanka ay 08 bishan kula wareegeen nabadgalyo iyo qorshe aysan iska caabin kula kulmeen, waxayna intaas ku dareen in xuduudoodii ay u hartay 70KM qorshuhuna yahay inay tagaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, oo kamid ah mas'uuliyiinta la socotay wafdigan Madaxweyne Saylici ayaa yiri, "Waxaan xuduudeenii oo ay nooga harsantahay 70KM waxa ka badan aan uga joognaa geeri nabadgalyo iyo kala bad-baadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay."

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, oo goobta ka hadlayay ayaa sheegay in booqashadoodu la xariirto sidii ay ciidamada ugu war-galin lahaayeen inaysan ka dhaqaaqin goobaha ay iminka ku suganyihiin si ay u bad-baadiyaan dhiiga dad Soomaaliyeed iyo xasiloonida magaalooyin iminka dagan.

Waa booqashadii ugu horaysay ee Mudane Saylici ku tago deegaankaas, waxaana socdaalkan uu kusoo beegmay xilli dhawaan ciidamada Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq oo awal ay maamuli jirtay Puntland.

Dhinaca kale Puntland ayaa ciidamo tiro badan gaysay nawaaxiga deegaankaas, waxaana gobolka Sool laga dareemayaa saan saan colaadeed inkastoo iminka xaaladdu dagantahay oo labada ciidanba ay kuwada suganyihiin nawaaxiga deegaanka Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM