Shaki la geliyay dhex-dhexaadnimada Gudiga Doorashada Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland - Xilli la xaliyay shalay cabashadii xisbiga Waddani, haddana waxaa soo baxaya tuhuno iyo shaki laga muujiyay dhex-dhexaadnimada Gudiga Doorashooyinka Somaliland [NEC].

Xuseen Aadan Cadde, gudoomiyaha Waddani ee gobolka Maroodi-jeex oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wali shaki ka qabaan Gudiga mar hadii uu qiray in warqadihii Waddani soo bandhigay ay ahayeen kuwii codbixinta oo la Copy-gareeyay.

Wuxuu sheegay in warqadaha Koobiga ah ee ay Wakiilada Waddani kasoo qabteen goobaha codbixinta gobolka Saaxil, kuwa lamid ahna lagu faafiyay 5 gobol ee kale ee ka dhacday doorashadii 13-ka bishan.

"Maxaa Gudiga Dooraahada laga filan karaa mar hadii warqadihii codbixinta gacantoodii ka baxday, oo meelaha qaar looga codeynayay, iyaguna aysan la socon, islamarkaana qireen inuu qalad dhacay," ayuu yiri Xuseen.

Xuseen ayaa xusay in xisbiga Waddani uu kalsooni ku qabo inuu helay codod u horseedaya guusha, oo ay la socdaan gobol iyo degmo kasta tirada codadka ay ka heleen, islamarkaana aysan aqbali doonin hadii wax ka duwan uu gudiga soo saaro.

Gudoomiyaha Maroodi-jeex ee Waddani Xuseen Aadan Cadde, ayaa ugu baaqay Gudiga Doorashooyinka inay cadaallada ku shaqayeen, oo aysan taariikh xun uga tagin Somaliland, maadaama gacantooda ku jirto mustaqbalka shacabka oo ka sugaya natiijada codbixinta. Halkan ka akhri.

Hadalka Mas'uulkan katirsan Waddani ayaa kusoo aadaya xilli cabashadii xisbiga lagu dhameeyay in dib loogu laabto tirinta cododka gobolka Saaxil, oo shaki la geliyay markii warqado been ah la qabtay.

Shakiga ah in doorashada meelaha qaar cododka lagu shubtay ayaa horseeday rabshado ka dhacay Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo, kuwaasi oo ay ku dhinteen labo qof, iyadoo 19 Askari ay ku dhaawacmeen. Halkan ka akhri. 

Warsidaha Garowe Online oo isha ku haya arrimaha doorashada Somaliland, ayaa ogaaday in natiijada lagu dhawaaqayo 22-ka bishan, oo ku aadan maalinta Isniinta ee Todobaadkan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM