Siilaanyo oo qiray in doorasho ka dhicin qeybo kamid ah Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashadii 13-ka bishan ka dhacday maamulkaasi.

Isagoo khudbad u jeediyay shacabka, ayuu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay in afar goobood oo kamid ah Somaliland aysan ka qabsoomin doorashada Madaxweyne, sababo la xiriira muranno deegaan.

"Waxaan xaqiijinayaa in 4 goobaad oo qura dalka aan doorasho ka dhicin, arrimo la xiriira muran deegaamo jira darteed," ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Bariga gobolka Sanaag iyo qeybo katirsan Sool, oo kamid ah meelaha ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland ayaan laga codeynin, iyadoo ay ka dhaceen dibadbaxyo doorashada looga soo horjeeday.

Dhanka kale, Siilaanyo ayaa bogaadiyay qaabkii ay u dhacday doorashada, oo uu sheegay inay magac iyo maamuus weyn ay Somaliland kaga heshay caalamka codbixinta sida ay u dhacday ee dimuqraadiga ah.

Laakiin waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka qaar, sida Burco iyo Hargeysa oo 2 qof ay ku dhinteen, taasi oo ka dambaysay ku-shubasho lagu sameeyay doorashada.

Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in 19 Askari ay ku dhaawacmeen isku dhacyada dhexmaray ciidamada iyo taageeriyaasha Waddani, oo ka carooday codad lagu shubtay, iyadoo la adeegsaday warqado been ah.

Waddani iyo Gudiga doorashada ayaa wadahadal kadib shaaciyay in la xalilayay cabashada muhsraxa Cabdiraxmaan Cirro, oo horey u shaaciyay in wadashaqeyntii Gudiga uu joojiyay, kadib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan cod-ku-shubashada.

Saddex musharax oo kala ah Muuse Biixi, oo katirsan Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro, oo Waddani u tartamaya iyo Feysal Cali Waraabe, oo calanka u sida UCID ayaa u tartamay doorashada madaxtinimo ee Somaliland, taasi oo walii natiijadeeda lagu dhawaaqin.

Madaxweynaha cusub ee soo baxaya ayaa bedeli doona Siilaanyo oo xilka soo hayaya tan iyo 2010-kii, ayaa labo sano dib u dhacday doorashada Somaliland, sababo la xiriira colaaddo iyo abaaro ka jiray mamaulkaasi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM