Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay Hadalkii Cabdiweli Gaas

Image

HARGEYSA, Somaliland - Kadib markii Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] uu erayo kulul ku weeraray Somaliland, ayaa waxaa arrintaas war-saxaafadeed luqad adag ku qornaa kasoo saarey maamulka Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaliland ahna Afhayeenka xukuumadda, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax [Guri-Barwaaqo] oo bayaanka soo saarey ayaa ku tilmaamay hadadalada Gaas, kuwa "beer-laxowsi ah."

Madaxweyne Gaas wuxuu hadaladii uu shalay ka jeediyay furitaanka Kaldhiga 41aad ee Aqalka Wakiilada, qodobadii uu dul-isaagay kamid ahaa xuduudka Puntland iyo Somaliland isku haystaan. [Halkan ka akhri Warka].

Qoraalka Somaliland oo arrintaan looga hadlay waxaa lagu difaacay mid horey uga soo yeeray, iyagoona sheegay in Xuduuda ay hadda ku doonayaan uy ayiday Golaha Midnimadda Qaarada Afrika.

Sidaasi si lamid ah, Madaxweynaha Puntland wuxuu khudbadiisa ku sheegay in qaar kamid ah dadka reer Sool ay yihiin kuwa maamulka Hargeysa "u dawarsada", islamarkaana Mushaar weydiista.

Balse, Gur-barwaaqo ayaa ku gacan-saarey oo ku tilmaamay "mid meel ka dhac ku ah Shacabka Sool," kuwaasoo uu sheegay inay si wayn uga soo qeyb qaateen in dalka laga saaro Gumeystihii Ingiriiska.

"Gaas waxaan usheegeynaa in Laascanood aysan noqon doonin Buuhoodle iyo Qardo, oo uu iska dayeeo beer-laxowsiga iyo modo kordhinta colaadeed ee uu rabo," ayaa lagu sii yiri Bayaanka Somaliland kasoo baxay.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu cadeeyay in Somaliland ay mar walba diyaar utahay in si nadboon lagu xaliyo khilaafka iyo xiisadda, islamarkaana cid walba oo sama doon ah la fariisaneyso.

Hadaladaan ayaa waxay qeyb ka yihiin kuwa xanaf leh, oo ay horey hawada isugu mar-siiyeen masuuliyiinta ugu sareysa labadda dhinac, ayna horey uga digeen Wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM