Somaliland oo lugaha la gashay hardanka dalalka Itoobiya iyo Masar

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wafdi heer sarre ah oo ka socday dalka Masar ayaa 12-kii bishaan July oo ku beegan Axadii waxay booqdeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sidda ay sheegayaan warar dhanka diblumaasiyada ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la fahansan yahay in ay la kulmeen wafuudan ka socotay maamulka Cabdal Fataax Al Siisi. Illaa iyo haatan, ma jiro fahfaahin rasmi ah oo dhinacyadda ay kasoo saareen shirka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka lagu lafa-guray xiriir ay sameystaan dhinacyadda. Kadib kulanka Biixi, waxaa la sheegay in ay la fariisteen saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo kalluumeysiga.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in wafdigan uu Hargeysa ka dhoofay maalintii Talaadada, 13-ka July, sanadkan 2020.

"Biixi waxay la fariisteen dhowr daqiiqadood oo kaliya," ayay raaciyeen illo wareedyadda oo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka.

Fahfaahino qaar ayaa tibaaxaya in xukuumadda Khaahiro ay ku fekereyso in ay qunsulyad ka furato magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Socdaalkan ayaa kusoo hagaagaya xilli xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya uu saameyn ku yeeshay muranka biyo xireenka Nile, kaas oo Soomaaliya ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay, wallow su'aal laga keenay.

Dowladda Farmaajo ayaa saaxiibtinimo dhow waxay kala dhaxeysaa maamulka Abiy Axmed ee majaraha u hayo Itoobiya oo biyo-xireenka dooneysay in ay kasoo saarto awood koronto oo adeegyo bilaash ah siisa gobolka.

Masar oo sheegtay in biyo xireenka uu halis ku yahay amnigeeda iyo wax-soosaarkeeda ayaa u muuqata mid dooneysa in ay Somaliland oo xuduud la leh Itoobiya ay u adeegsato loolanka si cadaadiska u kordhiso.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cusmaan, uu u socdaalay Masar, isagoo qiray in uu baadigoobayo xiriir ay dalkaas la yeeshaan.

Sababta Somaliland xudun ugu noqon karto hardanka Addis Ababa iyo Khaahira waa in Itoobiya ay ku tiirsan tahay dekada Berbera oo saami ay ku leedahay; Masar waxay saameyn aan fiicneyn ku yeelan kartaa mashruuc.

Warbixino aan la xaqiijin ayaa durba sheegaya in ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu ka banaanbaxay socdaalka wafdiga Masar isla markaana uu ku sifeeyay "mid halis ku ah nabad-gelyadda waddankiisa".

Maamulka Somaliland oo 1991-dii raadinaya aqoonsi caalami ah ayaa bilooyinkii dambe bilaabay howlgalo qarsoodi ah kuwaasoo uu ku baadigoobayo ictiraaf xilli uu wadahadalo kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM