Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Ra'iisal Wasaare Kheyre

Somaliland
By Wariyaha Hargaysa , Garowe Online
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax [Guri Barwaaqo]

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasooo yaarey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay la galeen Shirkadda DP World kaasi oo dowladda Itoobiya ay qeyb ka tahay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax [Guri Barwaaqo] ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan waxba ka khuseyn, islamarkaana lagala tashaneyn Heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera ee ay la saxiixdeen DP Wolrd.

Inkastoo aan la aqoonsan Somaliland, hadana lama diidi karo xaqiiqada jirta ee ah in aduun weynaha ka warqabo in dadka reer Somaliland ay dowladnimadoodii lasoo noqotay waxaana marag u ah in Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre isagoo jooga Imaaraadka heshiis dowli ah hortiisa lagula saxiixday Somaliland," ayuu yiri Guri Barwaaqo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Ra'iisul Wasaare Khayre inuu faraha kala baxo arrimaha Somaliland, oo uu sheegay inaysan kamid ahayn maamullada Federaalka ee qeybta ka ah dowladda Soomaaliya.

Hadalka Guri Barwaaqo ayaa yimid kadib markii Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre maalintiii Jimcaha Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ka sheegay in Heshiiska Somaliland la gashay DP World uu yahay mid sharci darro ah. Halkan ka akhri.

Sidoo kale, Mudane Khayre ayaa xusay in dowladda Federaalka ay tahay mida kaliya ee leh awoodda heshiiyo caalami ah la gali karto Shirkadaha ama dowladaha shisheeye, sida uu qabo Dastuurka dalka.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraal ay soo saartay ku laashay Heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo DP World, oo siinaya ruqsad ay ku maamulayso Dekedda Berbera, iyadoo mashruucan dhaqaalaha kasoo baxa dowladda Itoobiya ku yeelanayso 19%.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey