Suldaanka Warsangali oo soo dhoweeyey xubno ka socda xukuumada Somaliland [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

SHIMBARAALE- Suldaanka guud ee beesha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa maalintii shaley 21 July, 2016 si diiran ugu soo dhoweeyey degaanka Shimbiraale ee gobolka Sanaag wafti ka tirsan xukuumada Somaliland.

Waftigaan ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi kuwasoo maalmihii ugu dambeeyey dabada ka riixayay in diwaangalinta doorashada ka dhacdo gobolada Sool iyo Sanaag.

Suldaan Siciid oo ka hadlay munaasabada soo dhoweyneyta waqtigaan ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay imaatinkooda  gobolka Sanaag uuna u mahadcelinayo Wasiirka iyo xubnaha la socda. Suldaanka ayaa degaanka Shimbiraale  ku sheegey inuu yahay mid matali kara guud ahaan gobolka islamarkaana ugu dhan tahay beesha hadii halkaan lagu soo booqdey.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka hadlay munaasabada soo dhoweynta ayaa ku booriyey shacabka gobolka Sanaag iney ka qayb galaan diwaangalinta doorashada islamarkaana la dhaafey waqtigii qoryaha la- isu- soo guran jirey.

Qaabilaada Suldaanka beesha Warsangli ee wafdigaan ayaa dhacdey xilli dowlada Puntland ka hortimid in diwaangalinta doorashada Somaliland ka dhacdo qaybo ka tirsan gobolka Sanaag wallow xukuumada Madaxweyne Gaas war rasmiya ka soo saarin halka uu marayo qorshaha lagu hor_istaagay barnaamijkaan.

Dhinaca kale waxaa maalmihii lasoo dhaafey shirweyne balaaran oo gogoshiisa dhigtey Somaliland ka dhacey degaanka Awr-boogeys ee gobolka kaasoo ka qayb galeen beelo dega gobolka Sool iyo Sanaag. HALAKAAN KA AKHRI 

Olalaha Somaliland ee diwaangalinta doorashada ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Puntland asbuucyadii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Galkacayo halkaasoo ku mashquulsan yahay dhismaha golaha degaanka magaalo madaxda gobolka Mudug.

HALKAAN KA DAAWO SOO DHOWEYNTA SULDAANKA BEESHA WARSANGALI EE WAFDIGA SOMALILAND

GAROWEONLINE 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM