Wasiiro katirsanaa DDSI oo laga sii daayay xabsi ku yaalla Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa xabsiga ku yaalla Hargeysa kasii daysay labo mas'uuliyiin, kuwaasoo xilal wasiiro kasoo qabtay maamulkii Cabdi Illey ee dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Wasiiradda lasii daayay ayaa kala ah; Ibraahim Aadan Mahad [Ibraahim Sacab], oo soo qabtay xilka Wasiirka Waxbarashadda iyo Cabdi Jamaac Axmed Qaloonbi, oo soo qabtay xilka Wasiirka Cadaaladda, waxaana laga qabtey madaarka Cigaal maalmo kahor.

Ibraahim Sacab iyo Qaloonbi ayaa la xiray iyagoo diyaarad ka raacayay Garoonka diyaaradaha, kadib markii booliska Somaliland ogaadeen inay Somaliland qaab sharci darro ah kusoo galeen, ugana baxayeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa xaqiijisay sii deynta Wasiiradda, balse ma aysan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka lagu sii daayay, iyo halka ay u duuleen.

Waaxda socdaalka Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirada ay qaab dhuumaaleysi ah kusoo galeen Somaliland, islamarkaana ku sugnaayeen Hargeysa muddo 14-cisho ah, iyadoo aan laga warheynin.

Wasiiradda ayaa kasoo cararay Jigjiga markii uu is-casilay Cabdi Illey, waxaana haatan hogaanka cusub ee degaanka laga dhigay Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] oo balanqaaday cadaalad, midnimo iyo siyaasad loo dhan yahay.

Abiy Axmed ayaa wacad ku maray inay cadaaladda lasoo taagi doono dhamaan xubnahii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Illay, oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhanka xuquuqda Aadanaha iyo dhibaatooyin kale.

Somaliland ayaa maanta dib u celisay Gaadiid lagala soo baxsaday DDSI intii uu socday qalalaasaha Jigjiga iyo magaalooyinka kale, waxaana la sheegay in dib loogu gacan-geliyay dadkii marka hore lagala soo baxsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM