Trump oo ku baaqay in la toogto ragga geysta dil wadareedyadda

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka ayaa wuxuu si adag u cambaareeyay laba dhacdo oo ka kala dhacay goboladda Taxes iyo Ohio, kuwaasi oo wadar ahaan lagu khaarijiyey ku dhowaad 30 ruux.

Badi dadkaasi oo la leeyay isbuucan ayaa ahaa kuwa ajaaniib ah, inkasta oo ay ku jiro tirro kale oo Ameerikaan ah, sidda ay sheegeen mas’uuliyiin.

Sidda ay tibaaxayaan baaritaano horudhac ah, labadda shaqsi ee falalkaasi ka dambeeyay ayaa waxay ahaayeen rag cadaan ah.

Donald Trump oo wariyeyaasha la hadlay ayaa cod dheer ku qeexay in wax la aqbali karo aysan ahayn "cunsuriyadda iyo isla-weynida cadaanimo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata kuna tilmaamay raggaasi kuwa maskax ahaan u xanuunsanaa, hogaamiyaha Mareykanka ayaa soo jeediyay in la toogto xubnaha geysta toogasho wadareedyadda.

Ugu dambeyntii, Trump ayaa wuxuu gebi ahaanba amar ku bixiyey in la joojiyo dib u habeyn lagu sameyn lahaa hubka, taasi oo dood badan ka dhalisay siyaasadda Mareykanka.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo Trump loo jeediyay eedeymo ku aadan in uu dhiirogeliyo naceybka iyo olalaha ka dhanka ah muhaajititiinta.

Sidda ku xusan warbixin dhowaan lasoo saarey, 175 ruux oo badankooda ah soo galooti ayaa sideedii (8) sano ee lasoo dhaafay ku dhimatay weeraradda ay dunida oo idil ka geystaan cadaan xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM