Aqalka Sare oo ka digay faragelin lagu sameeyo doorashooyinka maamullada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka digay in faragelin lagu sameeyo doorashooyinka kusoo wajahan qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed iyo Puntland.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Gollaha uu welwel ka muujinayo islamarkaana uu ka digayo faro-gelin lagu sameeyo doorashada 17-ka bishan ka dhicaysa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Digniinta Aqalka Sare ee faro-gelinta doorashooyinka maamul goboleedyada ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Baydhabo ay ka degeen Musharaxiin la sheegay inay wadato Villa Soomaaliya, kuwaasoo uu kamid yahay Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Musharixiinta loolanka Kursiga ugu sareeya ee Koonfur Galbeed ugu jira ayaa waxaa kamid ah sidoo kale Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab, kaasoo dowladda Federaalka sheegtay inuusan xaq u lahayn inuu galo tartanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM