Axmed Karaash oo kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, Xafiiska Puntland, gaar ahaan Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ay wehliyaan, Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha laanta Puntland Col, Maxamed Faarax Qambi iyo Saraakiil kale.

Kormeerkan oo Madaxweyne ku xigeenku uu ku eegatay bannaanka shaqo ee Laantan waxa uu indhaha indheeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Waaxaha Baasaboorada, Fiisooyinka, IT-ga iyo kuwa kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane ayaa bogaadiyay Maamaamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, gaar ahaan Laanta Puntland, waxaana uu kala dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday ee ay ummaada u hayaan.

Puntland State House

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM