Axmed Madoobe oo gaarey Afmadow iyo gulufka dagaal oo ka socda Jubbaland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

AFMADOW, Somalia - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo aayaa maanta gaaray Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa safar uu uga gol leeyahay abaabulka iyo dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe waxaa uu ugu yimid Ciidamada Dowlada ee ku sugan Afmadow iyo deeganada ku xeeran si uu u dhiri galiyo ulana qaybsado duruufta ay ku shaqaynayaan.

Inta uu Madaxweynahu halkan joogo waxaa kale oo u la kulmi doona qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadafka socdaalkiisu uu yahay xoraynta Caasimada Jubbaland isagoo ay wehelinayaan masuuliyiintii Gobolka ee dhawaan la magacaabay dadweynaha ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan howlgalka socda oo ay garab istaagan Ciidamada geeesiyaasha ah ee u taagan xoraynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM