Axmed Madoobe oo la kulmay xubnaha Jubaland ku metela BF

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland.

Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag.

Madaxtooyada Jubaland

Wararkii ugu dambeeyey