"Hadaan nabadi Jirin horumar ma jiro, hadaan Booliis jirina nabadi ma jirto"

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey Xarumaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Saldhigga dhexe ee Booliska Gaalkacayo, Dambi Baarista iyo cisbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacayo.

Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ka bilaabay Saldhigga dhexe ee Gaalkacayo, qaybta Booliska gobolka iyo deni barista.

Madaxweynaha ayaa xarunta qaybta Booliska gobolka Mudug kula hadlay Saraakiisha laamaha ciidanka Booliska gobolka iyo degmada Gaalkacayo.

“Booliiska waa halbowlaha nabadda umadda, hadaan nabadi Jirin horumar ma jiro, hadaan Boliis jirina nabadi ma jirto, waan dareemi karnaa xaaladda lagu jiro iyo wakhtiyada la soomaray, kormeerkeena markii uu dhammaado waxaan rajeynaynaa in uu qorshe cad kasoo boxo wixii ciidanka la gudboona iyaga ayaa looga baahan yahay, wixii dowladda looga baahanyahayna waa balan qaadaynaa”Ayuu yir Madaxweynuhu

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay cisbitaalka Weyn ee Magaalada Gaalkacayo oo dhisme uu ku socdo marayana heer geba-gebo ah, Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay maamulka cisbitaalka iyo guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

“Gaalakacayo waa ubucdii Soomaaliya, waa meel aad u muhiim ah, cisbitaalku ha noqdo mid caafimaad saldhig u ah iyo horumarada kale ee Soomaaliya iyo Puntland-ba muhiim ayeey u tahay waxaa wax lagu farxo ah in cisbitaalku uu soo saaro dhakhaatiir, dhaakhaatiirta dalka lagu tabarucona waxaa ay ka fiican yihiin kuwa dibadda lagu tabaruco, waayo waxay xog ogaal u noqonayaan baahiyaha iyo qaabka loogu shaqaynayo bulshada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha cusub ee cisbitaalka oo heer gebogebo ah maraya oo loo dhisay qaab casri ah, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey gudiga dhismaha cisbitaalka dedaalka balaadhan ee ay muujiyeen iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen dhismaha.

Puntland State House

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM