Deni oo balanqaadey dhameystirka Manjahka waxbarashada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay buugga ardayga iyo hagaha macalinka ee dugsiyada Hoose ee Puntland.

Munaasabadda oo ka dhacday Hoolka Jaamacadda tababarka macalimiinta Puntland ee GTECH Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudaane Maxamed Cali Faarax , macalimiin, Hay'addo daneeya Waxbarashada Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ahaa as-aasayaashii Waxbarashada Puntland ayaa xusay qaabka ay xukuumaddu ula macaamili doonto waxbarashada Puntland oo hadda lagu tilmaamo tan ugu wanaagsan deegaanada Soomaalida, buugga ardayga iyo hagaha macalinka ayaa looga gol-leeyahay in lasoo saaro manhaj tayo leh, kaas oo la daabici doono gudaha sanadkaan lana gaadhsiin doono guud ahaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland si kor loogu qaado tayada Waxbarasho ee Puntland.

Dhanaca kale Madaxweynaha ayaa kormeeray fasalada ay wax ku bartaan macalimiinta loo diyaarinayo in ay wax ka dhigaan dugsiyada Puntland oo dhigta Jaamacadda tababarka macalimiinta Puntland ee GTECH.

"Runtii waxay ii tahay farxad weyn in aan kasoo qayb-galo daahfurkan maanta oo runtii Puntland u ah tusmo horumar iyo tiigsi balaaran oo dhinaca tacliinta ah, ummad walba oo jirta oo horumar ka hadlaysa waxa la hormarinayo waa dadka, guryaha iyo dhismuhuna wax tari maayo haddaan dadka la horumarin, waxaa Puntland ay uga duwan tahay deegaanada kale waa horumar bulshadeeda muddo dheer lasoo galinaayey marwalba waxay lahayd hanaan ismaamul iyo hanaan tacliin waana tan maanta miraheeda la guranayo waana tan ixtiraamka iyo kala dambaynta keentay."

Hogaamiyaha Puntland ayaa intaasi raaciyey: "Bulshada maanta habkii wax loo bari-jiray waagii hore waxba looma bari karo waa in habka casriga ah lala jaanqaadaa si dhallinyarada wax loo fahansiiyo, waxaanu u baahanahay in aan nidaamkeena tacliinta horumarino waxaan runtii ku faraxsanahay in Wasaaraddu ku guulaysatay in ay soo saarto manhaj qoran oo qeexan, maanta talaabadaas la qaaday waxaan u arkaa horumar wanaagsan oo laga gaaray dhanka waxbarashada" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni oo balanqaaday taageero maaliyadeed ayaa shaaca ka qaadey in xukuumadiisa ay ku dedaali doonto sidii loo dhameystiri lahaa Manjahka Puntland ugu dambeyn sanadka 2020-ka.

MUUQAALKA DENI

Puntland State House

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM