Deni oo ka qaybgalay munaasabadda Maalinta Caalamiga Ah ee Yoogada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb galay maalinta caalamiga ah ee Yoogada oo ah jimicsi fudud inta badana maanta laga xusayo dunida.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo uu weheliyo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Rahul Chabbra ayaa kala qeyb galay munaasibadda maalinta caalamiga ah ee Yoogada dhallinyaro ciyaaraysa jimicsiga fudud ee ciyaartaasi.

Munaasabadda oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay garoonka cagaaran ee Chief oo ku yaalla xaafadda Kowda Ogos ee caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu soo dhoweeyey in la taageero jimicsiga ka qayb qaadanaya caafimaadka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.

"Runtii Jimicsiga noocaan ah dalku aad buu ugu baahan yahay, nolosha Soomaalidu waxay u badan tahay fadhi iyo socod, dhaqamada Caafimaadka ku saabsan in aan horumarino aad bay muhiim u tahay, hadda ka dibna idinka macalimiin noqon doona".

Jimicsigan oo xuska maalintiisa caalamka dhan laga aqoonsan yahay ayaa waxaa cod wadar ogol ah ku meel-mariyey Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

"Waan soo dhowaynayaa safiirka iyo wafdiga la socda iyo maalinta caalamiga ah ee Yoogada, tani waxay astaan u tahay wanaajinta xiriirka ay Hindiya la leedahay Soomaaliya, in dhaqanka wanaagsan ee caalamka la soo minguuriyo aad bay muhiim u tahay, wixii nolosheena faa'iidada u leh, dhaqamada xun xuna aan ka dheeraano"Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyntii, danjire Rahul Chabbra oo bogaadiyey in Puntland lagu qabto munaasabadan ayaa wuxuu Garowe ku tilmaamay "magaalo aad ugu qurux badan jimicsigan".

Puntland State House

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM