Deni oo ka warbixiyay safarkiisii ugu horeeyay ee Imaaraadka [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Garowe ku sii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka uu ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu tilmaamay in safarkani ku qotomo adkaynta xidhiidh ka labada dhinac ee arrimaha ganacsiga.

"Maanta oo bishu tahay April 08 2019 waxaan safar ugu socdaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaa i weheliya wafdi wasiiro ka kooban, waxaan rajaynayaa mudada aan ku maqanahay howlo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey aan kasoo wadahadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii labada ganacsi loo sii xoojin lahaa oo ay ugu horayso xoolaha Puntland oo waayadaan laga joojiyey dalka Imaaraadka sidii loo furi lahaa".

"Sidoo kale maadaama Puntland ay garoomo casri ah dhisatay sidii diyaaradaha Imaaraadku u imaan lahaayeen garoomaha Boosaaso iyo Garoowe iyo Arrimaha DP WOLRD, Dawladda Imaaraadku waxay naga caawisaa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo ladagaalanka argagixisada oo ayana u baahan horumarin dhinaca ciidanka ah maadaama ay culays amni soo bateen, siday nooga taageeri lahaayeen in aan kala hadalno iyo arrimaha ku saabsan horumarinta dhinaca dhaqaalaha". Ayuu yiri Madaxweynuhu.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland State House

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM