Deni oo kormeeray xarumaha gurmadka uu ka socdo ee Qardho

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM