DF Soomaaliya oo diyaarineysa guluf balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada kooxaha argagaxisadu ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, ayaa maanta lagu qabtay xarunta taliska Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo ay ka qayb galeen wasiirka iyo wasiiru dowlaha maaliyadda, wasiiru dowlaha difaaca iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo taliyaasha ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey'adaha kale ee dowladeed ee qaybta ka ah qorshaha, inay dardar geliyaan dadaalada lagu diyaarinayo howl-gallada, si loogu guuleysto xoreynta deegaannada argagaxisadu ay uga suganyihiin dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada bulshada looga hir-gelinayo deegaannada laga saaro argagaxisada.

Taliyaasha iyo wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa Ra'iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu dalka uga sugantahay iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo bulshada iyo deegaanka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM