Dowlada Federaalka oo hadal kasoo saartey weerarkii ka dhacey Bariire [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Dowlada Federaalka Somaaliya ayaa warsaxafadeed kasoo saartey weerar maanta ka dhacey degaanka Bariire oo ku yaal gobolka Shabeelaha Hoose.

Warsaxafadeedkaan oo kasoo baxey Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegey in ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa wadamada saaxibka la ah Somaliya kuwasoo amar ka haystey taliyaha ciidamada Axmad Maxamad Jimcaale dagaal ka dhacey 25 August agagaarka degaanka Bariire gobolka Shabeelaha Hoose kaasoo lagu diley 8 kamid ah kooxda Al shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka ayaa sheegey sidoo kale in saaka Beer ku taal Bariire kula dirireen koox ka tirsan Al-Shabaab halkasoo is-rasaaseyn ku dhexmartey ciidamada ku dhinteen 8 ka tirsan ururkaas.

Halkaan ka akhri warsaxafadeedkaan oo ku qoran afka Ingriiska.


Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM