Dowlada Soomaaliya oo balaarineysa garoonka diyaaradaha Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka.

Mudane Mahdi oo uu wehliyo sii hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka.

Sii hayaha wasiirka Gaadiidka Cirka XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxuuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM