​Dowladda Federaalka oo Gudi u xilsaartey Weerarkii Bariire

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddigii loo xilsaaray dhacdadii Bariire looga baahanyaha in muddo 5 maalmood gudahooda ah ay warbixin kaga keenaan dhacdadaasi.

“Guddigan maanta lamagacaabay uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Ammniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  waxaa looga fadhiyaa muddo 5 maalmood gudahooda ah in ay kaga keenaan warbixin dhacdada ka dhacday Deegaanka Bariire “ayuu yiri R/wasaare ku-xigeenka XFS.

Mudane Mahada Maxamed Guuleed ayaa u diray  tacsi ehelada Dadkii ku wax yeeloobay dhacdadaasi, isagoo intaa ku daray in dowladda ay ka xuntahay waxii ka dhacay Bariire islamarkaana ay ka go’antahay sidii warbixin cad ah ay ugu keeni laheyd Halkaasi.

“Dowladdu way ka xunatahay waxii ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose wayna baareysaa dhacdadaasi, waxaana tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabadii dadkooda waxyeelada ka soo gaartay halkaasi”ayuu hadalkiisa ku daray R/wasaare Mahdi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta isug yimaadeen Guddiga Amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM