Dowladda Soomaaliya oo markale Baaq u dirtay Jaamacadda Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu hambalyeyneysaa Xogheynta guud ee Ururka Jaamacadda Carabta munaasabadda sanadguurada 73,aad ee aas’aaska ururka oo ku beegneyd March 22, 1945.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Jaamacadda Carabta garabjoogga milgaha leh ee uu ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddiisa intii ay jirtay masiibooyinka dabiiciga, dhibaatooyinka iyo falalka xun ee argagaxisadu geystaan.

Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuna biirtay February 14, 1974 waxaa loo eegaa inay tahay ilinka istiraatiijiyadda ammaan ee dunida carbeed sababo ku aaddan bedka Juquraafi ee ay ku fadhido iyo lahaanshaheeda xeebta ugu dheer Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururka inay dib uga furtaan safaaradahooda iyo ergadooda diblomaasiyadeed Caasimadda Muqdisho si loo taageero dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo ammaanka iyo deganaanshaha, si wadajir ahna looga shaqeynayo ka hortagidda caqabadaha iyo culeysyada si loogu guuleysto waajibaadka, qorshayaasha iyo mashaariicda hiigsiga leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM