Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartey weerarkii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 12 saac kadib soo saartey qoraal ay ku cambaareynayso weerarka ay shalay kooxda Al-Shabab ka fulisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga aqalka Madaxtooyadda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-Shabab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii afaafka Villa Soomaaliya ka dhacay si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo qaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan.

“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxanlaawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisada oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana si xoog leh loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM