Fariinta Ban Ki-moon ee ku aadan maalinta xuquuqul insaanka

Image

 


QARAMADA MIDOOBAY 

   XOGHAYAHA GUUD 

FARRIIN KU AADDAN MAALINTA CAALAMIGA AH EE XUQUUQDA AADANAHA 

              10 December 2014


Munaasabadda Xuquuqul Insaanka, waynu ka hadlaynaa. 

Waxaynu cambaareynaynaa maamullada diida xuquuqda qof kasta ama koox kasta. 

Waxaynu ku dhawaaqaynaa in xuquuqul insaanka aynu wada leenahay dhammaanteena, waqti walba: cid kastoo anynu nahay iyo meel kastoo aynu ka soo jeedno; si kastaba ha u kala duwanaadeen dabaqadaheenu, fikradaheenu, ujeedkeena xagga galmada.   

Taasi waa arrin muhim u ah caddaaladda qofka, xasilloonida bulshada iyo horumarka adduunka. 

Qaramada Midoobay waxay ilaalinaysaa xuquuqul insaanka waayo taasi waa ujeeddadeena aan ku faanno – dadkuna way ku naalloodaan xuquuqdooda, dhaqaaluhuna wauu kobcayaa, dalalkuna nabad bay helayaan. 

Xadgudubyada loo geysto xuquuqul insaanka ma aha keliya dhibaatooyin qofka loo geysto. Waa gambaleel digniin ah oo ka digaya qalalaanso intaa ka weyn. 

Tallaabada Kowaad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay waa loola jeedaa in lagu dhegeysto digniintaas. Waxaanu u ololeyneynaa annagoo ka jawaabayna xadgudubyadaas – inta ayna isu rogin xasuuq wadareed ama dembiyo dagaal. 

Qof kasta wuxuu ka qaybgali karaa horumarina karaa halganka lagula jiro caddaalad darrada, isu dulqaadasho la’aanta iyo xagjirnimada. 

Waxaan ugu baaqayaa Dowladaha inay fuliyaan waajibka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha maalin kasta oo ka mid ah sannadka. Waxaan ugu baaqayaa dadka inay la xisaabtamaan dowladahooda. Waxaana ku baaqayaa in si gaar ah loo ilaaliyo dadka difaaca xuquuqda aadanaha oo si geesinimo ah ugu adeega ujeeddada naga wada dhexeysa. 

Aynu ka jawaabno oo aynu u gurmano oohinta iyo dhawaaqa dadka lagu xadgudbo, oo aynu xoojino xaqa ay dadkoo dhan u leeyihiin sharaf iyo karaama baniaadanimo. 

Dhamaad

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM