Farmaajo oo caalamka ku booriyey garab istaaga dalalka gobolka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

TOKYO, Japan - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed.

Raiisul Wasaaraha Dalka Japan Mudane Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mudane Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Antonio Guterres ayaa qayb ka ahaa.

Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan Mudane James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Ereteriya Mudane Cusmaan Saalix, Kenya Marwo Monica Juma ayaa kasoo muuqday.

Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha ayaa xaadir ku ahaa fadhiga.

Villa Soomaaliya + GO

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM